”Siyaasiyiinta baryootamaysa aan hadda ka saxiixanno Jubbaland & badda!” – Farriin lagu hagaajiyey Madaxtooyada Kenya

0

(Nairobi) 14 Okt 2020 – Nin siyaasi ah oo la yiraahdo Abraham Johnny oo badiyaa soo qora warar khiyaali ah oo Somalia ka dhan ah ayaa markale soo qoray farriin ay dad badani ku tilmaameen ”riyo maalmeed ku dhisan nacasnimo iyo garasho xumo.”

Ninkan ayaa tixraacayey siyaasiyiinta Soomaalida ah ee Kenya joogta oo uu sheegay inay taageero ka doonayaan Kenya, tiiyoo ay jirto inaysan marna iman karin taageero iyo saamayn micne badan leh oo ay Kenya ku yeelan karto doorashooyinka Somalia.

Sababtuna waxay tahay doorashada Somalia oo usii ekaanaysa sida suuqa sarrifka lagacaha ayaysan Kenya haynin kharashaadka badan ee lagu kala iibsado Xildhibaannada bilaa mabda’a u badan.

”Waxay u muuqataa in siyaasadda Soomaalida haatan lagu qamiirinayo Nairobi, waa inaan ka saxiixannaa dokumentiyo ay Kenya ku wareejinayaan Jubbaland iyo badda la isku haysto kahor inta aynaan taageerin midkood,” ayuu soo jeediyey.

”Hadda waa baryootamayaan, fadlan Ahuru ka faa’iidayso.”’ ayuu raaciyey, isagoo tweet-kiisa ku taagaya Madaxtooyada Kenya.

Nasiib wanaag, Soomaali badan ayaa hawada ku dubtey riyada iyo khiyaaliga ninkan, iyadoo ay cajiib tahay sida ay Kenyan badani u aamisan yihiin inay nafta ku hayaan Somalia, iyagoo ku celceliya ”Somalia waxay qaniintey gacantii quudinaysey”. Waloow uu ninkani asal ahaan Soomaali yahay laftiisu, taasoo yaab badan leh.

Dhibaatada waxaa keenaya siyaasiyiin han yar oo Somalia ka kacay, kuwaasoo iyaga oo aan dal, dhaqan iyo dad ka fikirin iska qaata go’aano halis ah ama iskaga hadla warar ay ku bahdilayaan qarankooda.

Hadalsame Media