QIYAMKU QAAN MAAHA: Akhri inta QAAF ee kharriban ee qarankeenna u dooran

0

(Hadalsame) 14 Okt 2020 – DOOKHA DUWAN EE DADKEENA: Nidaam QABYAALAD baan ka dooranay, Deganaan QAX baan ka dooranay, Wax noosoo dega QAAD baan ka dooranay, Daacadnimo KHIYAANAAN ka dooranay, Dalkeennii QURBAAN ka dooranay.

Horusocod IS QAB QABSI baan ka dooranay, Siyaasad KHILAAF baan ka dooranay, Qoys dhisan bacdaada QAADAAN ka dooranay, Qalin iyo tacliin QORI baan ka dooranay, Midnimo QAYBSANAAN baan ka dooranay.

Miir qab QAADIRO baan ka dooranay, Buug aqris QAYILAAD baan ka dooranay, Is jacayl maxaad iga QAADI kartaa baan ka dooranay, Qaranimadii QOLIYO calan baan ka dooranay, Xisaabtankii kaligay QAATAY baan ka dooranay.

In wax la qabto kaligaa wax QABSAAN ka dooranay, Wax soo saar QAMADI Maraykan baan ka dooranay, Aayeheenii amarka QARAMADA midoobay baan ka dooranay, Nabad QARAX baan ka dooranay, Hilib ari in waraabe la QALAAN ka dooranay.

Kitaabkii QAYNUUN baan ka dooranay, Farxad QOSOL gariir baan ka dooranay, Jidadkii qurxoonaa QASHIN QUB baan u dooranay, Macaan oo dhan QARAAR baan ka dooranay, Ee hadii uu DOOKHEENU sidaa yahay QIYAMKA ma QAAN (Amaah) baa lagu helaa?

Qore: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media