Maraykanka oo isku duwey dalal uu sheegay inay BISHA macdan ka baari doonaan (Dal Muslim ah oo ku jira & Ruushka oo laga tegey)

0

(Washington, DC) 14 Okt 2020 – Maraykanka ayaa heshiis bisha lagu sahminayo la galay ilaa dhow dal oo aan abidkood bisha tegin, halka uu ka reebay Ruushka iyo Shiinaha oo ka mid ah dalalka sheegta inay bisha soo booqdeen.

Heshiiskan oo la yiraahdo Artemis Accords, oo hindihiisa la keenay bishii Maajo isla markaana shalay lasoo bandhigay ayaa dalalka isla galay waxaa ka mid ah USA, Australia, Canada, Japan, Italy, the UK, Luxembourg, Imaaraadka iyo Japan.

Ujeedka ayaa wuxuu yahay in meerayaasha waawayn sida Bisha, Mars iyo dhadhaab-cireedyada lagu sameeyo sahan lagu sheegay mid nabadeed, sida ku cad dokumenti 18-bog ka kooban oo amraya in lagu sii shaqeeyo Xeerka caalamiga ah ee hawada sare ee sii gaboobaya, kaasoo dhigaya in aanu dalna kaligii gaar u sheegan karin howlaha hawada sare.

Yeelkeede, Maamulka Donald Trump oo bishii Diseembar ku dhawaaqay Ciidanka Hawada Sare ee Maraykanka ee “US Space Force” ayaa sheegay inuu ilaalinayo danaha Maraykanka ee cirka fog, iyadoo la doonayo in si qoto dheer loo sahmiyo hannaan-qorraxeedka.

“Waxaannu doonaynaa in aannu aasaasno xeerar uu dal kastaahi ogolaan karo,” ayuu yiri Maamulaha NASA ee Jim Bridenstine oo saxaafadda la hadlay, waloow ay heshiiskan xumaynayso ka maqnaanshiyaha awoodaha waawayn sida Ruushka iyo Shiinaha.

Hadalsame Media