Hay’adda Nabad Sugidda oo sheegtay inay qabatay maaddo halis ah oo u socotey kooxda Al Shabaab

0

(Muqdisho) 14 Okt 2020 – Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay maaddo halis ah oo aashito ribban ah, taasoo loo adeegsado waxyaabo kala duwan min batariga gawaarida ilaa arrimo kale oo badan.

”Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga,” ayaa lagu soo qoray bogga rasmiga ah ee hay’adda.

”Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada.” ayaa la daba dhigay warka NISA.

Lama oga waxa ay Shabaabku uga gol lahaayeen aashitadan iyo inay u adeegsan lahaayeen walxaha qarxa, taasoo ay ka muuqato cadaawad aad u fog iyo dagaal fulin ka baxsan xeerarka aadamaha.

Hadalsame Media