”RW Rooble Sweden waa lagu cunsuriyeeyey!” – Wargays Swedish ah

0

(Stockholm) 12 Okt 2020 – Saxaafadda Swedish-ka ayaa ku xarragoonaysa in RW cusub ee Somalia uu haysto dhalashada Sweden, balse RW Max’ed Xuseen Rooble wuxuu Rinkeby oo ah xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay, ugu noolaa qof qaxooti ah ahaan, isagoo loola dhaqmayey sida dadka kale ee la sooco ama geeska loo riixo (marginalized groups), sida uu qorayo warqaadka kasoo baxa Stockholm ee nyhetsbyranjarva.

RW cusub ee Somalia ayaa isla Sweden ka bartay Tiknolojiyadda Degaanka iyo Daryeelka Kabayaasha oo uu ka dhigtay KTH, balse sida dadka kale ee madowga ah (Afro-Swedes), xirfaddii uu bartay shaqo kuma helin, sidaa darteed wuxuu u guurey Ingiriiska, kaddibna Bariga Afrika, si uu u helo shaqo xirfaddiisa la gudboon.

”Cunsuriyaynta dadka madow waa daad wararac dalka Sweden oo dibedda ku leh sumcad wanaagsan oo ah inuu yahay mid dimqraadi ah oo si wanaagsan u shaqaynaya, balse xaqiiqadii cunsuriyaddu waxay xididdo ku yeelatay hay’aadka bulshada taasoo keenta sinnaan la’aan ba’an” ayuu leeyahay qayb ka mid ah qoraalka oo lagu sheegay in midabka qofka iyo xiriirkiisu ay ka muhiimsan yihiin aqoontiisa iyo kartidiisu, sida ku cad warbixin arrintan laga soo saaray 2018-kii.

Taasina waa sababta ay dadka wax barta ee madowga ihi ay dibedda ugu cararaan, Maxamed Xuseen Rooblena kama duwanayn kuwaas, oo markii uu  Rinkeby deganaa waxaa loo adeegsan jirey magaca ”Invandarare” oo ah ajnabi, balse markii uu noqday RW Somalia, waxay warbaahinta Sweden ugu yeeraysaa ”Swedish”.

Waxaa Qoray: Kahin Ahmed

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media