MW Eritrea oo Gobolka Oromiya ku tegey booqasho ay qoonsan karaan Maamulka Tigreegu + Sawirro

0

(Jimma) 12 Okt 2020 – Madaxweynaha Eritrea ee Isaias Afwerki iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayay booqasho rasmi ah oo saddex cisho ihi uga bilaabatay dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa uga hor tegey isla markaana ku soo dhoweeyay Gegada Diyaaradaha Magaalada Jimma ee Gobolka Oromiya.

Lama shaacinin sabab horaadka uu MW Eritrea waqti xaadirkan u door biday inuu booqasho ku tago Maamulka Oromada.

Yeelkeede, Itoobiya ayaa waxaa ka oogan xasarad u dhaxaysa qoomwiyaadka dalkaas, gaar ahaan Maamul-goboleedka Tigreega oo haatan gooni u baxsan, kuwaasoo booqashadan Afwerki, oo aanay laftooda isku fiicnayn, qoonsan kara maadaama ay u arki karaan mid Oromada siinaysa muhiimad, mudnaan iyo milge gaar ah.

RW Ahmed ayaa laftiisu wajahaya caqabaad siyaasadeed oo ay qaarkood uga imanayaan Oromada lafteeda isagoo xirxirey dhowr gayfane oo Oromo ah sida Jawar Mohamed oo ka mid ah ragga qoowmiga ah ee Oromadu sare u eegto.

Hadalsame Media