Qabyaaladdu waxay marka dambe qiime tirtaa QABIILKAAGA (Akhri sida ay ku dhacday)

0

(Hadalsame) 11 Okt 2020 – Qabyaaladdu waxay dhashay siyaasad xumo. Siyaasad xumaddiina colaad. Colaaddiina tahriib iyo qaxootinimo. Qaxootinimadiina waxaa ka dhashay Soomaalidii oo qiima beeshay.

Qabyaaladda siyaasadaysan waxay ku dhammaan kartaa in la helo jiil dhallinyaro ah oo dhaqan ka dhigta inay kala saaraan abtirsiimaha iyo siyaasadda.

Jiil ceeb u yaqaan in qabiil wax lagu qaybiyo. Jiil iyagu ka wada shaqeeya in hoggaanku noo hagaago, danta gaarka ah iyo tan qabiilku aanay isku milmin.

Jiil hantida la wada leeyahay aan qof ama koox gaar ah u oggolaan.

Hadalka iyo qoraalku ilaa ay dhaqan isu beddelaan, oo wanaaggu helo dad u qiirooda sida qabyaaladda loogu qiiroodo, lama helayo maamul hagaagsan.

Waxaa Dhigay: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media