”Gudbintu waa laaluush!” – MW hore oo ka hadlay musuq ka jira xafiiska RW cusub

0

(Muqdisho) 11 Okt 2020 – Siyaasiga Cali C. Cosoble oo ahaa MW hore ee Maamulka HirShabeelle ayaa ka dhawaajiyey arrin naadir ah oo ka jirta xafiiska RW Cusub, Md Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu warkiisa ku bilaabay sidatan: ”Raiisulwasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo,”

”Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan rasmi (official) ah,” ayuu raaciyey.

Wuxuu u cudur daaray RW cusub oo uu sheegay in uu filayo inuusan waxba ka ogayn arrintan, waloow aysan lafteedu fiicnayn in qof madax ihi aanu la socon waxa xafiiskiisa ka socda, haddiiba ay wax u dheceen sida uu siyaasigu u sheegayo.

”Waan hubaa inuusan Rooble waxba ka ogeyn arrinkaa, balse waa arrin aan aad uga xumaaday, sida keliya ee aan Raiisulwasaaraha ku ogeysiin karo isbaarada xafiiskiisa taalana waa facebook.” ayuu ku micneeyey sababta.

Hadalsame Media