(Qaahira) 12 Okt 2020 – Libya ayaa iska diiddey inay qabato Madaxtinnimada Uruurka fadhiidka ah ee Jaamacadda Carabta si ay u guddoomiso kal-fadhiga soo aaddan.
Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Libya, Mohammed Al-Qiblawi, wakiilka Libya ee JC, Saleh Al-Shammakhi, ayaa ka cudur daartay isagoo toos ula hadlay xoghaynta ururka.
“Libya waxay dhararaysaa in ay xilkaa qabato marka la helo xaalad ka habboon midda haatan,” ayuu u dhigmayey qoraal kasoo baxay Libya.
Doorashada Libya ee guddoonka kal-fadhiga 154-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa loo maray qaabka kala horreeynta alifbeetada iyadoo aby horay u diideen dalalka Falastiin, Qadar, Comoros, Lubnaan iyo Kuwayt oo booskan loo bandhigin.
Waxaa 22-kii Sebtembar, Wasiirka Dibedda ee Falastiin, Riyad Al-Maliki, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu aanu doonaynin qabashada xilkan wareegga ah, isagoo ka xumaa taageerada ay u muujiyeen xiriirka UAE iyo Baxrayn ee Israel.
Qadar ayaa deeto ku raacday, waloow ay sheegtay inay qabanayso xilka marka la gaaro kal-fadhiga 155-aad.
Hadalsame Media