(Hadalsame) 10 Okt 2020 – Iswiidhan waa dal yar oo 10 milyan wax yar ka badan. Carabtuna waa 21 dal oo dadkoodu ka badan yahay 400 oo milyan.
Haddana labada boqol ee jaamacadood ee dunida u gu horreeya Iswiidhan wax ay ku lee dahay 5 jaamacadood, carabta oo dhamina wax ay ku lee dahay mid Sacuudi ah oo halka u gu dambaysa ka ga jirta.
Khayraadka adduunka intiisa badan ilaa iminka waxaa haysata Carabta, laakiin lacagtoodu wax ay ku baabba’daa dagaallo sokeeye, budhcadnimo dawladeed iyo shisheeye la gu laaluusho.
Ma jiro dal keliya oo Carbeed oo leh dawlad iyo dastuur dadku samaystay marka la ga reebo Tuuniisiya oo weli tijaabo ku jirta.
Markaa iyaga iyo ciddii wax ku darsataba horumar waa ka xaaraan.
Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf
Hadalsame Media