Siyaasi Soomaali ah oo sheegay in tillaabo adag laga qaadayo Maamul-goboleedka Tigreega (Maxaa ka mid ah?)

0

(Addis Ababa) 07 Okt 2020 – DF Itoobiya ayaa qaniinyo kulul ku qabatay Maamul-goboleedka Tigreega oo qabsaday doorasho aysan raalli ka ahayn DF.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Itoobiya Md Aadan Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay amreen in dhammaan miisaaniyada lacageed ee heer qaran laga jaro Maamulka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya.

Aadan ayaa intaa daba dhigay in aanu wax sharciyad ah ku fadhiyin maamulkaa ku “fallaagoobey DF”, sidaas awgeed aan la siin karin wax adeeg dawladeed ah oo ka yimi dhanka Addis Ababa.

Waxaa intaa dheer in miisaaniyaddooda loo qeybin doono Maamul-gobaleedyada kale ee Itoobiya, iyadoo aan xitaa warqad loo diri karin, isla markaana laga joojinayaa dhammaan adeegyada dadweyne ee la siin jirey.

Arrintan ayaa daba socota dhowr tillaabo oo hareer marsan DF Itoobiya oo uu qaaday Maamulka Tigreega oo ay salka la galeen inta badan dadkii horseedka ahaa ee ku jirey nidaamkii dhacay ee Tigreega oo haatan dabaqaya siyaasad ciidayn ah.

Hadalsame Media