”Mar kasta oo uu shir dhoco waxay u kala ordaan Dubai & Nairobi” – Siyaasi tooshka ku shiday Deni & A. Madoobe

0

(Nairobi) 07 Okt 2020 – Somalia ayaa inta badan waxaa la isla dhex maraa in ay ka dhaqaaqi la’dahay faragelin shisheeye, ha yeeshee, waxaa jirta dood ah in faragelintu tahay mid iskeed iskaga timaada iyo inay tahay mid ay Somalia ku casuumaan siyaasiyiinta Soomaalidu?

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa arrintaa ifiyey mar uu soo hadal qaaday marxaladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia iyo siyaasiyiin u kala orday Imaaraadka iyo Kenya kaddib markii lagu heshiiyey in doorashada loo qabto sidii ay doonayeen madaxda maamullada qaarkood.

”Markasta oo uu wadaxaajood u xirmo DF iyo Maamullada, Deni iyo Madoobe waxay u safraan Dubaay (UAE), Jabuuti iyo Nairobi Ilaah baana og sababta,” ayuu yiri Macallin.

”Kaddibna waa laabtaan iyagoo bedelaya biraha goolka (yacni ujeedka). Berigii hore waxay safarradu ku wajahnaayeen Addis (xilligii TPLF) balse Abiy wuxuu doonayaa Somalia nabad ah.” ayuu raaciyey.

Xaqiiqadu se waxay tahay in aanu jirin dal ay tahay inuu doono ama diido waxay Somalia noqonayso, waayo Somalia waxay kaliya noqonaysaa wixii ay Soomaalidu doonayso, taasoo nasiib xumo, hadda ah iska dabawareeg iyo ila meerayso ay ku maratay.

Hadalsame Media