Kenya oo ciyaarteeda uga raysay DF Somalia (Jaadka oo Somalia ku taga si aysan dani ugu jirin dadka & dowladda)

0

(Muqdisho) 07 Okt 2020 – Somalia ayaa Jaadka xayiraad kusoo rogey bishii Maarso kaddib markii uu dalka soo gaarey cudurka faafa ee COVID-19, balse ma joogsanin cunista jaadka ee Muqdisho iyo meelaha kale ee dalka, kaliya waa qaaliyoobey.

DF Somalia ayaa Luulyo 30 waxay qaadday xayiraadihii saarnaa duullimaadyada caalamiga ah, balse ma aysan furin Jaadka, taasoo ay ka xumaadeen Jaadleeyda Kenya.

Sida uu qoray Daily Nation dabayaaqadii Sebtembar, waxaa Jaadka laga soo gudbiyaa magaalo xeebeedka Lamu iyadoo dhanka Somalia kaddib laga saaro doonyo gaarsiiya ilaa xeebaha diiirran ee Xamar.

Maadaama aysan Somalia lahayn ilaalo xeebeed micne leh, in Jaadka la gaarsiiyo dhowr magaalo oo Somalia ah waa wax aad u sahlan.

Yeelkeede, cidda ku dhibka qabtaa hadda waa Jaad cunayaasha oo Jaadka ku gadanaya lacago ay baahiyo kale ku dabooli lahaayeen.

Tusaale, intii aan Jaadka la xirin kahor waxay kiiladii Jaad ihi joogtey $20 doollar, haatan wuxuu ku kacayaa $60 iyo $90 doollar, iyadoo aanu Jaadku joogi karin wax ka badan 4 maalmood.

DHIBKA KALE – Marka laga soo tago in dadka laga dhacayo lacag ay qaarkood biilan lahaayeen, waxaa misna sidaa DF uga lumaysa canshuur fara badan maadaama Jaadka si suuq madow ah lagu keenayo.

DF ayaa ayaa sanadkan $14 milyan oo doollar oo dakhli ah oo ay Jaadka ka filaysey ku darsatay miisaaniyadda qaranka.

Hadalsame Media