”Canada waa laba WEJIILAYNAYSAA!” – Turkiga oo furka ku xooray xayiraadda Canada (Arag hubka ay siisay Sucuudiga)

0

(Ankara) 07 Okt 2020 – Ottawa ayaa sheegtay inay hakinayso iibinta bikaacyada ay wax ku arkaan daroonnada Turkigu sameeyo iyagoo ku eedeeyey in hubkaas lagu isticmaalay dagaalka Nagorno-Karabakh, iyadoo horayna u hakisay inay hubka waawayn ee halista ah ka iibiso Turkiga oo ay ku eedeeysey inuu ku lug yeeshay dagaalka Suuriya.

Yeelkeede, Canada waxay Sucuudiga ka iibisaa nooc kasta oo hub ah iyadoo og in lagu xasuuqayo dadka reer Yaman oo uu Sucuudigu dagaal toos ah kula jiro, balse xeerku waa kala laba oo Sucuudigu wuxuu hubka ku dilayaa dal kale oo Muslim ah, halka Turkigu ay daroonka siiyeen dal Muslim ah oo dagaal kula jira mid aan ahayn.

Canada’s decision to suspend the export of drone components to Turkey, citing reports that they are being used in the Nagorno-Karabakh region, has triggered a debate about how rich countries treat different conflicts.

“Go’aanka Canada wuxuu muujinayaa munaafaqnimo ku wajahan xaqa ay Azerbaijan u leedahay inay dhulkeeda ka xoreeyso Armenia, waloow ay diiddey inay joojiso hubka ay ka iibiso Sucuudiga ee lagu weerarayo Yaman, waloow ay QM sidaa ka dalbatay,” ayay tiri Wasaarad Dibadeedka Turkiga oo ka hadashay xayiraadda Canada.

Ankara ayaa sidoo kale ka caraysan inaysan kaalmo ka helin isbahaysiga NATO markii ay ku lug yeelatay dagaalka Suuriya, sida uu qabo xeerka gaashaanbuurtaasi.

Samuel Ramani, oo ah xeel dheere yaqaanna xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in sida kala duwan ee ay Canada ula kala macaamilayso Turkiga iyo Sucuudigu uu muujinayo “aragti is wayn isu diiddan.”

Sanadkii tegey oo qura, waxay Canada Sucuudiga siisay hub ku kacaya $2.2 bilyan oo doollar, kuwaasoo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman.

Armenia ayaa tan iyo 1990-kii waxay Azerbaijan ka haystaan gobolka Nagorno-Karabakh oo ay dunidu u aqoonsan tahay inuu ka mid yahay Azerbaijan, iyadoo ay labada dal muddo badan ku dagaallamayeen gobolkan buuraleeyda ah.

Hadalsame Media