Azerbaijan oo sheegatay inuu jug culus u gaysatey Armenia oo ka weerartay tubbooyinka saliidda qaada

0

(Baku) 07 Okt 2020 – Ciidanka Azerbaijan ayaa jug culus oo kale u gaystey kuwa Armenia xilli uu soconayo dagaalka labada dal ee gobolka Nagorno-Karabakh, iyadoo ay Azerbaijan burburisey taliska Qaybta 5-aad ee Taangiyada, sida ay sheegtay Wasaaradda Gashaandhigga Baku.

Waxay sheegeen inay guulo isdaba joog ah ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Armenia oo iyaguna duqeeyey magaalooyinka Tartar, Barda, Aghdam, Agjabedi, Fuzuli iyo Jabrayil saaka, taasoo keentay in jawaab daruuri ah la siiyo, sida ay sheegtay WG.

Waxay sheegeen in ay sidoo kale ilaa 40 askari ka dileen Armenia, taasoo tirada guud ka dhigaysa 280 tan iyo markii uu dagaalku bilowday 27-kii bishii tagtay.

Ciidanka Armenia ayaa iyaguna shalay gantaalaha cluster-ka oo ay ku dhex jiraan 300+ bambo ku weeraray tubada saliidda qaadda ee isku xirta caasimada Baku-Tbilisi-Ceyhan (BTC), iyadoo ay Ciidanka Azerbaijan ka hortageen weerar kale oo ay ku qaadi lahaayeen tubada saliidda ee Yevlah saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 9 p.m. (5 a.m. GMT). Lama sheegin wax gaarey tubbooyinka.

Waxay WG sheegtay in weerarka tubbooyinku uu muujinayo sida ay Armenia naf la caari u tahay oo ay u doonayso inay burburiso kaabayaasha Azerbaijan, kaddib markii dagaalka lagu kululeeyey.

Hadalsame Media