Akhri xiriirka ka dhexeeya XUUNKA dirin-diirta ukunta ku dhala & siyaasiga danta leh & kuwa lacagaha daymiya

0

(Hadalsame) 07 Okt 2020 – Waxaannu halkan idiinkugu haynaa qoraal yar oo kooban balse micne badan, kaasoo fasiraya sida uu iskugu xiran yihiin danta siyaasiga iyo danleeyda u danaysa misna ku danaysata iyo sida ay hadhoow isula dilaan danta guud ee dadwaynaha.

Hoos ka akhri:

Bahalka xoonka la yiraahdo wuxuu sun ku suuxiyaa dirinriirta. Iyadoo suuxsan ayuu markaa ukuntiisa ku dhex dhalaa.

Ukuntaasu waxay ku kortaa dirindiirta gudaheeda oo wax walba la cuntaa. Markay ukuntu dillaacdo ayey dibedda u soo baxdaa oo weliba muddo dirindiirta dusheeda ku noolaataa ilaa ay ka gaarto heer ay duuli karto.

Maalmaha siyaasigu ku jiro ololaha doorashada waxaa ka muuqda baahi badan. Ganacsato, waddammo qalaad iyo odayaal ayuu u baryo tagaa.

Baryadaas waa loogu soo gabbadaa markaasaa tobanaan kooxood ukumo ku sii ritaan. Markuu kursiga ku fariisto ayaa ukumihii oo dillaacay ka soo yaacaan oo qalinka uu wax ku saxiixayo kula dhegaan.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media