Siciid Deni oo codsaday in isaga laga dhigo ”geed fadhiga” siyaasiyiinta ku xiran Imaaraadka & Qorshaha

0

(Abuu Dabeey) 06 Okt 2020 – Madaxweynaha Puntland, Md Siciid Deni ayaa safar aan rasmi ahayn oo aan lasii sheegin ku tegey Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu maalin joogay magaalada Nairobi.

Socdaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku haya MW Deni oo doonaya inuu noqdo ninka geed fadhiga u noqonaya siyaasiyiinta ku xiran Imaaraadka oo doonaya inuu Somalia ku qabsado laaluush uu siinayo xildhibaanno deeto u dooranaya qofkii uu isagu wato marka la gaaro doorashada 2021-ka.

Arrintan ayaa la sheegayaa in aan weli Imaaraadku go’aan ka gaarin, balse Deni ayaa durba booskaa geed fadhiga dhaqaalaha ama ”khasnajiga qorshaha Imaaraadka”, waloow ay Imaaraadku aad uga fikirayaan isku halleeynta qofka ay booskaa u garanayaan iyo awoodda uu u leeyahay inuu dad isku dumo.

Waxyaabaha ay Imaaraadku isha ku hayaan waxaa ka mid ah xildhibaannada ka kala imanaya maamulladda, gaar ahaan KF Somalia oo ah maamul-goboleedka ugu xildhibaannada badan oo ay u baahan yihiin qof iskugu xira.

Sanadkii 2016-kii ayaa la sheegayaa in ay Imaaraadka geed fadhi u ahaayeen Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Sheekh Aadan oo loo diray xildhibaannada KG, balse howlgalkaasi guul kuma dhamaanin.

Imaaraadka ayaa doonaya inuu Madaxtooyada fariisiyo siyaasi olog la ah, isagoo marka laga soo tago inuu Turkiga ka masayrsan yahay aan misna wax qorshe ama dan ah u haynin Somalia iyo guud ahaanba Soomaalida oo uu doonayo inay sidooda iska ahaadaan.

Hadalsame Media