SAWIRRO: Booliiska oo Afgooye ku qabtay niman ilmaha afduuba oo sii iibiya (Shabakad halis ah)

0

(Afgooye) 06 Okt 2020 – Wararka ka imanaya magaalada ugu ballaaran Gobolka Shabeellaha Hoose ee Afgooye ayaa sheegaya in halkaa lagu qabtay niman carruurta qafaala kaddibna ka ganacsada.

Ciidamada Amniga Degmada Afgooye ayaa gacanta ku dhigay labadan nin ee aad sawirka ka aragtaan oo ku eedaysan in la qabtay jeer ay gabar yar oo la la’aa oo la baadi goobayey ay gaari kuwa dadwaynaha ah (PL) ka saarayeen Boosteejada Afgooye.

Waxay wararka nasoo gaarayaa intaa raacinayaan, in nimankan la qabtay ay qirteen inay ka tirsan yihiin shabakad ka shaqaysata afduubka iyo iibinta carruurta, iyagoo weliba sheegay in qorshahan ay iminka ku howllanaayeen ay ku qaateen lacag dhan $500 doollarka Maraykanka ah.

Nimanka ayaa qiraalka ku sameeyey muuqaal ay ka duubeen Booliiska waxaana soconaya baaritaanno ku aaddan shabakadda ay ku xiran yihiin, waloow ay fiicnayd inaan baraha bulshada lagu faafin si loogu soo qabto kuwa kale, balse aan hadda waxba lagama qaban karo.

Hadalsame Media