Moodalka loo qabanayo Doorashada 2021 oo lagu tilmaamay ”xasuuq siyaasadeed”

0

(Hadalsame) 06 Okt 2020 – Xasuuq Siyaasadeed! Wax badan baa shacabka soomaaliyeed sanadahan dambe u soo joogey, welise ma dhiman oo waa nool yahay, waana noolaan doonaa inta Ilaahay u qaddaro inshallaahu.

Wuxuu u soo joogey: Xasuuq nafeed oo dhiigiisa lagu daadiyo, Xasuuq dhaqaale oo hantidiisa guud lagu boobo, xasuuq qabyaaladeed oo magiciisa lagu adeegto, xasuuq xuquuqeed wixii adeeg muwaadinku xaq u lahaa lagu duudsiyo oo daara gaar ah lagu dhisto, xasuuq caafimaad oo cudurrada kala duwan lagu baylihiyo, xasuuq nololeed oo saboolnimo iyo shaqa la’aan la isugu daro.

Intaasba isagoo la daalaa dhacaya, ayaa raga siyaasadda (taabsaday) ugu dareen waxa loo bixiyey: (Heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/2021) oo aan oran karno waa (xasuuq siyaasadeed) oo 20 milyan oo soomaaliya xaqoodii iyo xorriyadoodii lagu xasuuqay, lagana qaaday halka xaq ee Ilaahay aadanaha (gaal iyo muslin) ku karaameeyey oo ah (xorriyadda iyo ikhtiyaarka).

Shacabka soomaaliyeed ee dulqaadka badan, ee dhiigiisa gobanimo iyo dadnimo weli dubaaxinayaa, ma ogolaan doono – ilaahay idankiis – (xasuuqa siyaasadeed) ee danystayaashu xaqiisa ku duudsinayaan. Ma ogolaan doono – Ilaahay idankiis – in la xabaal nololoodiyo.

Shacabka soomaaliyeed waa ka weynyahay shilimaadka Qatar, Imaarat, Kenya, shirkadaha batroolka, iyo shisheeyaha kala duwan ee mustaqbalkiisa iyo mustaqbalka facyaashiisa la doonayo in lagu iibsado.

W; Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media