DF Somalia oo aan sidii ay mudnayd u wajihin tacsida Amiirkii Kuwayt oo ah dal wax wayn tara Somalia (Maxaadan ku baraarugsanayn?)

0

(Hadalsame) 06 Okt 2020 – Waxaa 29-kii bishii Sebtembar dalka Maraykanka ku dhintay Amiirkii Kuwayat, Sh. Sabaax al-Axmad al-Jaabir al-Sabaax, isagoo 91-jir ahaa.

Waxaa haddaba dhacday in DF Somalia aysan sidii loo baahnaa uga soo bixin wajahitaanka tacsidan isla markaana ay Madaxtooyadu bixisay sawir muujinaya inay yara hoos u dhigayso.

MW Farmaajo ayaa xilligii tacsida aadey Koonfurta Suudaan iyo Eritrea oo aan muhiimad istaraatiji ah marna u yeelanin Somalia, isagoo Kuwayt u diray RW cusub oo aan weli xitaa lahayn xukuumad rasmi ah.

Caadiyan RW waa xil culus, balse marka ay howlahan oo kale joogto waxaa kaga sii habboon Madaxwaynaha oo aanay isaga hor oollin howlo fulineed, waxaa intaa dheer in RW ay shaqo badani u taallo oo ay tahay inuu iyaga diiradda saaro waqti xaadirkan.

”Waxaa wanaagsanayd inuu Madaxwaynuhu inta Kuwayt ku hor maro uu kaddib soo maro dalalkan kale maadaama aysan booqashadoodu rasmi ahayn, balse baraarug noocaas ihi ma muuqdo” ayuu yiri nin aqoon badan u leh xiriirka caalamiga ah oo ku dhow DF oo diidey in uu magaciisa sheego.

MAXAY KUWAYT MUHIM U TAHAY? – Kuwayt waloow aysan ahayn dalalka sheeg sheega misna waa dalka qura ee Khaliijka ku yaalla ee aad u caawiya Somalia iyadoo aysan inta badan ku baraarugsanayn shacabku.

Tusaale, waxay gacan ka gaysataa dhismaha kaabayaasha dalka min garoomada dayuuradaha, jaamacadaha, iskuullada, isbitaallada, xarumaha agoomaha, iyadoo sidoo kale marka oo ay dani timaado usoo gurmata Somalia.

Kuwayt oo marar badan lacago kaash ah oo toos ah siisa Somalia ayaa sidoo kale bishii Nofeembar ee sanadkii hore ku baaqday inay iyadu martigelinayso shir dhaqaale loogu ururinayo dib u dhiska Somalia.

Sh. Sabaaxa dhintay oo Agfooye beer ku lihi wuxuu jeclaan jirey inuu mar uun Somalia tago oo ku dalxiiso, isagoo aad ugu dhowaa nidaam kasta oo Somalia ka taliya, sidaa darteed, waxaa habboonayd in sida hadda la yeelay si ka yara habboon loo maareeyo.

Hadalsame Media