Canada oo si dadban ugu hiillisay Armenia & xayiraad ay saartay Turkiga

0

(Ottawa) 06 Okt 2020 – Canada ayaa sheegtay inay hakinayso inay Turkiga ka iibiso bikaacyada casriga ah ee ay wax ku arkaan daroonnada uu Turkigu farsameeyo iyagoo ku eedeeyey in hubkaas lagu isticmaalayo dagaalka Azerbaijan iyo Armenia, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedkooda, Francois-Philippe Champagne.

Canada ayaa sidoo kale sanadkii hore hakisay hub ay ka iibin lahayd Turkiga oo ay NATO ku wada jiraan, kaddib markii ay Ankara weerar ku qaadday woqooyiga Suuriya, balse waxay sii waddey inay kasii iibiso waxa loo yaqaan ”hubka aan halista ahayn” sida bikaacyada daroonnada.

Jimcihii, RW Canada, Justin Trudeau, ayaa sheegay inay Ottawa baareeyso in hub sita qaybo ay iyagu sameeyeen loo adeegsadey dagaalka Nagorno-Karabakh ee Armenia iyo Azerbaijan, oo xulufo dhow la ah Turkey.

Champagne ayaa sidaa darteed sheegay in DF Canada ay hakinayso iibinta tiknolojiyadda ciidamada inta ay baaristu socoto, si aan ”rayidka iyo colaadda halkaa ka jirta loogu adeegsan.”

Si kastaba, Turkiga ayaa haatan wada tijaabooyin uu ku samaysanayo bikaacyo maxalli ah, si uu daroonnadiisa 100% uga dhigo kuwo guri-samays ah.

Canada ayaa si kastaba ogol inay hub waawayn ka iibiso Imaaraadka iyo Sucuudiga oo xaalad aadminnimo midda iminka dunida ugu liidata ka ridey dalka Yaman, iyagoo sidan hiillo dadban oo istaraatiji ah ku siinaya Armenia.

Hadalsame Media