XAQIIQO: Dalal Muslim ah oo ka dhinac dagaallamaya Ciidanka Armenia ee la hardamaya Azerbaijan

0

(Paris) 05 Okt 2020 – Dagaalyahanno ka kala yimid Lubnaan, Suuriya iyo Laatiin Ameerika ayaa la sheegayaa inay u dagaallamayaan Armenia oo la hardamaysa Azerbaijan oo ay isku hayaan gobolka la haysto ee Nagorno-Karabakh, sida uu kashifay Radio France International (RFI).

Idaacadda RFI ayaa sheegaya in tiro badan oo calooshood u shaqaystayaal ah oo aanay qaarkood abidkood qori qaadin, la siiyey “tababarro deg deg ah” kahor inta aan dagaalka loo dirin.

Dagaalyahannada ayaa marka laga soo tago kuwa furunta loo diray waxaa jira kuwo kale oo weli jooga Yereven oo u diyaar ah in ay gurmadaan haddii loo baahdo.

Afhayeenka Ciidanka Azerbaijan, Gaashaanle Vagif Dargahli, ayaa horay Isniintii hore u sheegay in Ciidanka Armenia ay ka dhinac dagaallamayaan dad Suuriyaan ah iyo kuwo kale oo ka yimid Bariga Dhexe.

Danjiraha Azerbaijani ee Turkey, Khazar Ibrahim, ayaa isna Jimcihii sheegay in xitaa kooxo argagixiso ah sida kooxda PKK ay ka dhinac dagaallamayaan Ciidanka Armenia.

Warar hore ayaa sheegayey in Suuriyaan badan oo ku xubayroobey xasaradda dalkoodu ay dagaalkaa ugu jiraan inay wax uun ka helaan.

Hadalsame Media