”Waxaan nahay xoogga madowga!” – Malliishiyo madow ah oo aad u hubaysan oo markale iskugu soo baxday Maraykanka (Daawo)

0

(Lafayette, LA) 05 Okt 2020 – Malliishiyaadka madowga ah ee loo yaqaan Isbahaysiga Aan Kaftamin (NFAC), ayaa iskugu soo baxay magaalada Lafayette, ee gobolka Louisiana si ay uga dhiidhiyaan arxan darrada Booliiska.

Kooxdan ayaa ka samaysantay cadaalad darrada sinjiga la xiriirta ee Maraykanka, gaar ahaan kaddib dhowr shil oo lagu toogtey dad madow ah.

Malliishiyaad fara badan oo NFAC ka tirsan oo ku hubaysan qoryaha darandoorriga u dhaca isla markaana xiran dharka ciidamada iyo gayrarka taatikada ayaa halkaa iskugu soo baxay.

Socodkan ayaa gaar ahaan cadaalad loogu dalbayey Trayford Pellerin, oo ah nin madow ah oo ay bishii Agoosto booliisku ku dileen magaalada Lafayette.

Malliishiyadan ayaa isu soo baxday kaddib markii ay haweenay ku jirta Koongarayska Louisiana ay uga hanjabtey Facebook, taasoo dareenkooda kicisay.

Hoggaanka ruuxiga ah ee NFAC, oo sidoo kale ah ninka asaasay  Grandmaster Jay, ayaa u khudbeeyey, isagoo sheegay in halkudhegga MW Donald Trump ee ‘Make America Great Again’ aanu khusaynin dadka madowga ah.

“Ma xusuusan karo waqti uu Maraykan annaga noo fiicnaa,” ayuu yiri, xilli ay xubnaha kale ku qaylinayeen kelmadda “black power.”

 


Hadalsame Media