”Waxaan nahay 10 milyan tabantaabana uma baahnin!” – Azerbaijan oo gobol kale ka qabsatay Armenia

0

(Baku) 05 Okt 2020 – Millateriga Azerbaijan ayaa xoreeyey gobolka Jabrayil oo ka tirsan Nagorno-Karabakh, iyagoo sidoo kale qabsaday tuulooyinka Böyük Mercanlı, Maralyan iyo Şeybey oo ay haysteen Ciidanka Armenia, sida uu sheegay MW Azerbaijan, Ilham Aliyev.

Dhanka kale, Armenia ayaa duqaymo aan kala sooc lahayn ka gaysatey magaalooyin ay ku jirto tan 2-aad ee ugu way dalkaasi Azerbaijan ee Ganja, oo ay ku nool yihiin nus milyan qof, sidoo kale Füzuli iyo Tartar iyo Jabrayil.

“Azerbaijan waxay burburin doontaa bartilmaameedyada ay Armenia kasoo rideyso madaafiicda iyo gantaalaha ay la dhacayso magaalooyinka Azerbaijan,” Hikmet Hajiyev oo la taliye u ah MW dalkaasi, isagoo sidoo kale diidey wararka sheegaya inuu Turkigu caawinayo.

“Waa jiraan jaalnimo istaraatiji ah waxaa sidoo kale jira xiriir walaalnimo oo u dhexeeya Turkey iyo Azerbaijan – balse Turkey dagaalkan qayb 3-aad kama aha,” ayuu ku adkaystay Hajiyev.

”Azerbaijan uma baahna dhinac 3-aad oo dagaalka ka qayb gala. Waxaan leennahay ciidan xooggan iyo khayraad naga badan. Waxaan nahay 10 milyan, kayd fiicanna waan haysannaa.” ayuu ku faanay.

Armenia ayaa iyadu tiro ahaan gaaraysa wax ka yar 3 milyan waana 2.965 milyan oo qof.

Dagaalka oo haatan socda maalintii 9-aad oo xiriir ah ayay Armenia dorraad ogolaatay xabbad joojin ay horay u diiddanayd, waloow ay taas iminka diiddey Azerbaijan.

Hadalsame Media