Waa kee dalka leh Baasaboorka ugu fiican caalamka? (Imisa dal ayay ka sara martay Somalia?)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2020 – Baasaboorka dalka New Zealand ayaa noqday midka ugu xooggan caalamka kaddib markii lasoo saaray qiimayntii sanadlaha ahayd – waloow aysan Kiwis-ku hadda meelo badan ku booqan karin cudurka Covid-19 dartii.

Qiimayntan oo lagu eegay baasaboorrada 193 dal oo xubno rasmi ah ka ah QM ayaa waxaa aalaaba lagu qiimeeyaa inta dal ee Baasaboorka lagu tegi karo dalkugal la’aan, ama tirada dalxiisayaasha loo ogol yahay inay fiisaha ku helaan isla marka ay garoomada kasoo degaan.

New Zealand ayaa kaalinta 1-aad gashay oo tegi karta 129 dal, waxaana ku xiga Germany, Austria, Luxembourg, Switzerland, Ireland, South Korea, Japan iyo Australia, oo kooda lagu booqan karo 128 dal.

Kaalinta 3-aad waxaa galay Sweden, Belgium, France, Finland, Italy iyo Spain, halka UK ay ku biirtay Netherlands, Denmark, Portugal, Lithuania, Norway, Iceland iyo Canada  oo kaalinta 4-aad ku jira.

Maraykanka ayaa ka baxay kaalimaha 10-ka sare, isagoo 21-aad la ciriirsadey Malaysia isagoo fiisa la’aan ku geli kara 52 dal, halka 40 dal ay garoonka ka siinayaan fiisaha.

Waxaa dhanka hoose ka hoggaaminaya dalalka Afghanistan iyo Iraq, oo min 31 dal ah, waxaana soo raaca Suuriya (34), Somalia (35) iyo Yaman oo lagu tegi karo 36 dal.

UGU XOOGGAN CAALAMKA

1. New Zealand

2. Luxembourg, Germany, Austria, Switzerland, Ireland, South Korea, Japan, Australia

3. Sweden, Belgium, France, Finland, Italy, Spain

4. UK, Netherlands, Denmark, Portugal, Lithuania, Norway, Iceland, Canada

5. Malta, Slovenia, Latvia

6. Czech Republic, Estonia, Greece, Poland, Hungary, Liechtenstein

7. Slovakia

8. Cyprus, Croatia, Monaco

9. Romania, Bulgaria

10. San Marino, Andorra, Uruguay

UGU TABAR YAR CAALAMKA

1. Afghanistan, Iraq

2. Syria

3. Somalia

4. Yemen

5. Iran, Palestinian Territories

6. Pakistan

7. Myanmar, North Korea

8. Ethiopia, Lebanon, Libya, Nepal, Eritrea

9. Bangladesh, South Sudan

10. Sudan

Hadalsame Media