Turkish Airlines oo si gaar ah loogu maamuusay Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde & sababta

0

(Muqdisho) 05 Okt 2020 – Waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho maamuus gaar ah loo sameeyey dayuuradda Turkish Airlines oo micne gaar ah ugu fadhisa Somalia.

Turkish Airlines ayaa 6-dii Maarso 2012-kii waxay noqotay dayuuraddii ugu horreeysey ee duullimaadyo caalami ah ka sameeysa Somalia muddo 22 sanadood ah.

Haddaba si taa loogu maamuuso waxaa dayuuradda Turkish Airlines loo sameeyey salaan sharafeedka dayuuradaha oo ah in biyo lagu salaamo marka ay garoonka kasoo degto.

Turkish Airlines, ayaa sidoo kale niyad dhis u noqotay inay dayuuradaha kale ee caalamiga ihi ay ku dhiirradaan inay Somalia tagaan, waxaana haatan dalka taga dayuurado badan sida Qadar Airways, Ethiopian iyo qaar kale.

Hadalsame Media