”Somalia ka bixi mayno xitaa haddii ay AMISOM baxdo!” – Kenya oo kursiga Golaha Amaanka u adeegsan doonta ajende lid ku ah Somalia & SNA oo ay isha ku hayso

0
Kenya Defence Force (KDF) soldiers, serving in the African Union Mission in Somalia (AMISOM), patrol past stockpiles of charcoal near the Kismayo sea port town in lower juba region February 27, 2013. Picture taken February 27, 2013. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: MILITARY BUSINESS) - RTR3EEN5

(Nairobi) 05 Okt 2020 – Jeer uu qarka soo saaran yahay sanadka 2021 oo ah midka loo asteeyey inay Somalia ka baxaan Ciidanka AMISOM, Kenya waxaa horyaalla laba-labayn ku aaddan inay sii joogto iyo inay ka baxdo dalka ay dagaalladu la degeen ee Somalia, waxaa sidaa qoraal dheer oo uu Daily Nation ku qoray ku bilaabay Oscar Obonyo.

Maadaama ay Kenya u dhowdahay Somalia oo ay ka qoowlaystaan kooxda gaangiska ah ee argagixisada ah oo weerara rayidka iyo hay’adaha muhimka ah, ayuu daba dhigay.

Haatan waxaa jira walaac cusub oo ku saabsan Ciidanka Xoogga Dalka Somalia ee SNA oo loo arko kuwo aan xirfadleey ahayn isla markaana aanay askartoodu dishibiliin lahayn.

Waxay si aan kala sooc lahayn u xabadeeyeen dad rayid ah oo Kenyan ah oo joogen xadka Buulo Xaawo maalmo yar kahor, taasoo calan cas u taagtey awoodda ay SNA u leeyihiin inay amaanka si madax bannaan oo wax u ool ah kaligood uga soo bixi karaan kaddib marka ay baxdo AMISOM oo ay ka mid yihiin kuwa KDF, ayuu yiri isagoo soo jeediyey in ay khalad tahay inay AMISOM hadda baxdo.

KENYA & GOLAHA AMAANKA – Kenya oo lagu wado inay la wareegaan kursi ka mid ah Golaha Amaanka (UNSC) horraanta sanadka soo aaddan iyagoo ka mid ah 10 dal oo aan rigli ahayn, waxay taas u adeegsan kartaa fursad ay ku riixdo kiiskeeda Somalia kala dhexeeya, ayuu qoray.

“Ma lahaan doonto awoodda qayaxan ee VETO balse waxay Kenya awood u yeelan doontaa inay la fariisato qaar ka mid ah dalalka dunida ugu xoogga iyo saamaynta badan, taasoo ka dhigan inaan haysato fursad ballaaran oo aan qalqaalo ugu galno kiiskeenan ka dhanka ah Somalia iyo SNA,” ayuu yiri Dr George Katete, oo ah khabiir bartay xiriirka caalamiga ah oo muujinaya sida ay Kenya u diiddan tahay dhismaha Ciidanka Somalia oo ay durba hadda usii sawirayso kuwo gobolka halis ku ah, taasoo ay kala shaqaynayaan dalal ka tirsan kuwa VETO-ga leh sida Faransiiska.

”Inay KDF soo baxaan iyo inay joogaan waxay ku xiran tahay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiisaha awoodaha caalama iyo moowqifka dalalka gobolka iyo siyaasadda caalamka,” ayuu daba dhigay Dr George Katete.

Kenya ayaa marar badan muujisay inaysan raalli ka ahayn dhismaha dowladnimada Somalia, iyadoo soo gelitaankeeda Somalia uu taa uun daba socdo, waana dalka ka dambeeya inuu Axmed Madoobe ku gorgortamo in Ciidanka SNA laga saaro gobolka GEDO, waxaa sidoo kale ku raacsanaa siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan kuwo xisbiyo hal nin ah Xamar ku haysta, taasoo ay dad badani la yaabban yihiin inuu qof siyaasi Soomaaliyeed ihi lasoo gole istaago.

Madaxa AMISOM, Francisco Madeira, oo bishii Maajo 22 sanadkan la hadlayey Golaha Amaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyey inay Somalia si deggan ula wareegi karto amaankeeda iyadoo fulinaysa Qorshaha Kalaguurka Qaran (STN).

Hadalsame Media