”Ixtiraama heshiiska!” – DP World oo diiddey in xafaarad laga soo dirayo Jabuuti ay ka shaqayso Dekedda Boosaaso & in la dhamaystiro intaba

0

(Garoowe) 05 Okt 2020 – Warar madax bannaan oo ka imanaya dhanka Madaxtooyada Puntland & ganacsatada reer Boosaaso ah ayaa tibaaxaya in sharikadda P&O oo hoos tagta midda Dekedaha Imaaraadka ee DPWorldORLD ay miinka ka cuskatay dalab loo gudbiyey.

Dalabka oo loo gudbiyey bishii Agoosto 2020-kii, kaasoo si toos ah uga yimi dhanka Madaxtooyada Puntland ayaa ku saabsanaa inay ogolaadaan inay Dekedda Boosaaso timaado xafaarad laga leeyahay dalka Jabuuti, si ay u qoddo marinnada ay carradu sii xireeyso ee laga soo galo Dekedda Boosaaso.

Xafaaraddan ayaa sidoo kale ciid badan ka saari lahayd khoorka Dekedda ee ay maraakiibtu soo galaan.

DPWorld oo qoraalkaas kasoo jawaabtey ayaa ku adkaysatay in tibxaha heshiiska lala galay oo ku muddaysan 30 sanadood uu si cad u sheegayo wax kasta, isla markaana ay Puntland waajib ku tahay inay ixtiraamto.

Waxaa kale oo Madaxtooyada Puntland lagu canaantay in la jebiyey qodob kale oo heshiiska ka mid ah kaddib markii saxaafadda la siiyey war ku saabsan heshiiskan.

Sharikadda P&O ayaa darteed diiddey inay ganacsatada Boosaaso ay xitaa jeebkooda ka bixiyaan lacag lagu dhamaystirayo meelo qabyo ka ah Dekedda Boosaaso oo uu ka tegey taliskii Siyaad Barre, iyagoo ku tuuntuunsaday inay iyagu taa wixii laga yeelayo go’aan ka gaarayaan.

Waxaa horay dhowr mar loo sheegay in sababta uu Imaaraadku ugu soo qamaamayo dekedaha gobolka min Yaman, Jabuuti ilaa Somalia, uu ujeedku yahay inaysan la tartamin dekedihiisa oo ku yaalla meel luuq ah oo ay xasaradi ka taagan tahay, halka ay Somalia haysato marin socodku ku badan yahay misna istaraatiji ah, waloow ay Somalia hoggaankii iyo hankiiba ka dhimatay.

Hadalsame Media