Giriigga oo ku dhaqaaqay arrin uu Turkigu ka xumaaday & tillaabo dabaaqid ah oo uu qaaday

0

(Athens) 05 Okt 2020 – Giriigga ayaa soo saaray Navtex cusub oo uu ku sheegayo in dayuuradihiisu ay ilaalin doonaan hawada meelo badan oo ay ku jiraan meelo hoos taga amarka Turkiga, taasoo xiisad hor leh ka dhex oogaysa labada dal.

Xilli ay Turkigu doonayaan inay wada xaajood ku xalliyaan ismari-waaga ka taagan badaha Aegean iyo Bariga Badda Cad, ayay Giriiggu soo saareen wargelin ku saabsan dhoollatus ciidan oo ay sameeynayaan.

Yeelkeede, in yar uu kaddib markii uu soo baxay warka Giriiggu, saldhigga Turkiga ee Antalya Navtex ayaa iyaguna soo saaray war kale oo Giriigga ogaysiinaya in meelaha ay Giriiggu sheegeen ay Turkigu ka arrimiyaan.

NAVTEX? Navtex, ama Navigational Telex, waa hannaan isgaarsiin badeed ah oo maraakiibta u saamaxaya inay kuwa kale ogaysiiyaan inay meesha joogaan, isla markaana siiyaan xogo kale.

Turkiga oo tan Giriigga ka dabaaqaya, ayaa sidoo kale Giriigga ogaysiiyey in meesha ay sheegeen ay iyagu dhoollatus ciidan ku dhigayaan 6-8 bishan Oktoobar.

Ilo ku dhow Turkiga oo aan is magacaabin, xadidaadda arrintan darteed, ayaa sheegay in Turkigu uu doonayo in arrintan xal laga gaaro isagoo ciidamo badan ka qaaday biyaha lagu muransan yahay dhoollatusyo uu qaban lahaana baajiyey, balse ay Athens arki waydey waxaas oo dhan.

MW ku Xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa sheegay in ay ”dunidu marka dambe aqoonsan doonto saxnaanta Turkiga”, mar uu la hadlayey warqaadka Kriter.

Hadalsame Media