Deni oo Nairobi kulan kula qaatay Sirdoonka Imaaraadka & waxa laga hadlay

0

(Nairobi) 05 Okt 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in MW Maamulka Puntland oo haatan Nairobi joogaa uu halkaa kula kulmay rag ka tirsan Sirdoonka Imaaraadka Carabta.Xogo hoose oo kulanka ku dhow ayaa sheegaya in ujeedka kulanku uu ahaa inuu uga warbixiyo moodalka doorasho ee 2021-ka ee ay isla maduufikeeyeen Madaxtooyada iyo Maamullada dalku, taasoo la sheegay inuu Imaaraadku ku qancay.

Waxaa la sheegayaa in Imaaraadku uu doonayo inuu howlgashado dhowr siyaasi oo uu dhaqaale badan ku taageerayo si ay ugu istaagaan xilka ugu sarreeya dalka, isagoo markaa doonayo in loo socodsiiyo dano gurracan oo uu ka leeyahay Somalia.

Waxaa sidoo kale Nairobi jooga siyaasiyiin kale oo ka mid ah kuwa ku xiran Imaaraadka, kuwaasoo oo kulamo kala duwan la yeelanaya Sirdoonka Imaaraadka, qaarna ay u ballansan yihiin.

Imaaraadka ayaa kulamadaa iyaguna ku bixiya awaamiir iyo waxyaabo uu doonayo in isaga loo fuliyo.

Waxaa koow ka ah in Somalia laga saaro Turkiga oo ah dal dhan kasta marka laga eego Imaaraadka uga fiican Somalia, isla markaana ka caawiya arrimo badan oo ka mid ah dhisidda kabayaasha iyo dowladimada Somalia, oo uu Imaaraadku doonayo inay sideeda u kala qalnaato, maadaama aanu Somalia danayn jirin markii ay ugu baahida badnayd ee uu Turkigu usoo gurmanayey.

Shacabka ayaa isha si gaar ah ugu haya doorashada 2021, iyadoo moodalkan la dejiyey uu yahay mid aan kalsooni badan lagu qabi karin, taasoo ay go’aanka lahaan doonaan xildhibaannadu.

Hadalsame Media