DAAWO: Azerbaijan & Armenia oo bilaabay inay iska duqeeyaan magaalooyinka waawayn & goobaha rayidka ah

0

(Baku) 04 Okt 2020 – Dagaal culus ayaa maanta oo Axad ah kasii socdey meelaha ay isku hayaan Ciidamada Azerbaijan iyo kuwa Armenia ee gobolka Nagorno-Karabakh.

Baku ayaa sheegtay in Yerevan ay duqaysay magaalada 2-aad ee ugu ballaaran Azerbaijan oo ay gantaalo la dhaceen, iyadoo wax gaareen goobo rayidku ku badan yahay.

Dhanka kale, magaalada Stepanakert, oo ah midda ugu wayn Nagorno-Karabakh oo ay deggan yihiin 55,000 qof ayaa mar qura la maqlay wiishka qayladhaanta, kaddib markii ay si xun u duqeeyeen Ciidanka Azerbaijan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia ayaa soo bandhigtay gawaari gubanaysa iyo firir jidadka yaalla, iyadoo sheegtay inay dad ay rayid ku jiraan wax ku gaareen.

Ciidanka Nagorno-Karabakh ee Armenia ayaa wacad ku maray inay aarsan doonaan, iyagoo dadka rayidka ah ee deggan magaalooyinka Azerbaijan u sheegay inay ka qaxaan, waxaana la sheegayaa in la duqeeyey saldhig cireed ku yaalla magaalada Ganja, oo ah caasimadda 2-aad ee Azerbaijan.

Hadalsame Media