”Turkigu ka laba-labayn maayo inuu taageero Azerbaijan” – Wasiir Dibadeedka Turkiga

0

(Ankara) 03 Okt 2020 – Waloow aysan Azerbaijan weli soo gudbinin dalab rasmi ah oo ay Ankara uga codsanayso inay ka taageerto dagaalka Armenia, misna Turki ayaa si cad u sheegay in aanu “ka laba-labayn doonin” inuu taaageero haddii la waydiisto.

Dagaalka Nagorno-Karabakh oo ay labada dal isku hayaan ayaa maalintii 7-aad holcaya, balse waxaa mowqifka Turkiga caddeeyey Wasiir Dibadeedka Mevlut Cavusoglu, oo saxaafadda la hadlay mar uu la kulmayey diblomaasiga sare ee Talyaaniga, Luigi di Maio.

Ankara, oo horayba Baku ugu ballan qaadday taageero ciidan iyo mid diblomaasiyadeed si ay iskaga difaacdo wax ay ku sheegeen “dulmiga Armenia” ayaa misna markaa sheegtay in Baku ay iskaga filan tahay Yerevan.

Yeelkeede, hadda wuxuu Turkigu sheegay inaysan ka laba-labayn doonin in ay kaalmo toos ah gaystaan haddii la waydiisto “wax kasta oo la sheegaba”, iyagoo sheegay in Azeri-gu yihiin dad qoowmiyad ahaan Turkic ah, uguna baaqay Armenia inay ka baxdo dhulka ay haysato.

Hadalsame Media