Israel oo qoorta isu gelisey Imaaraadka & Masar (Khalad istaraatiji ah oo ay Masar gashay oo looga faa’iidaystey)

0

(Qaahira) 03 Okt 2020 – Sida lagu qoray al-Araby al-Jadeed, wuxuu muran culusi ka dhex bilowday dalalka Masar iyo Imaaraadka oo isku qabtay ”wada tashi hordhac ah oo ay isla wadaan Abuu Dabeey iyo Tel Aviv” oo ku saabsan inay sameeyaan kanaal cusub, oo la mid ah midka Suways oo isku xiraya Badda Cas iyo Badda Cad.

Ilo hoose ayaa wargayska u sheegay inay jirto caro aad u ballaaran oo ka imanaysa dowladda Masar oo aad uga xumaatay qorshaha Imaaraadka iyo Israel.

Arrintan ay wadaan ayaa waxay halis gelinaysaa Kanaalka Suways oo laga maarmayo, waloow uu yahay mid ka mid ah meelaha uu dakhliga ugu badani kaga soo xaroodo dalka Masar.

KHALAD ISTARAATIJI AH: Midda ugu xanuunka badani waxay tahay in Israel ay doonayso inay kanaalka ka jeexdo meel ku aaddan magaalada Eilat oo ku qaalla Gacanka Caqaba, taasoo suurtagal noqotay kaddib markii ay Masar Sucuudiga ku wareejisey jasiiradda Tiran.

Sidaa darteed, Masar hadda kama taliso  biyaha u dhexeeya Marinka Tiran iyo xeebaha Masar oo haatan noqday marin caalami ah kaddib heshiiska ay la galeen Riyaad, taasoo ka dhigan in Masar lagu qalalayo shilal ay iyadu is dhigtay.

Sucuudiga ayaa arrintan kala hadlay Sucuudiga oo ay ku boorriyeen inay Imaaraadka ku qanciyaan inay joojiyaan qorshahan.

“Waannu ognahay inay arrintu weli marayso marxalad wada xaajood, balse si kastaba, waxaannu tillaabada Abuu Dabeey u aragtaa inay dhabarka middi naga geliyeen”. ayay saraakiil Masaari ihi Sucuudiga ku yiraahdeen.

Heshiiskan ayaa marka laga soo tago inuu jug dhaqaale u gaysanayo Masar aan wax badan usoo kordhin doonin Imaaraadka, halka uu aad u anfacayo Yuhuudda.

Hadalsame Media