”Sidee u doorateen Ilhaan Cumar oo kale?!” – Trump oo weerar kale ku qaaday Ilhaan Cumar (Daawo)

0

(Duluth, MIN) 01 Okt 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa markale weerar ku qaaday Ilhaan Cumar kaddib markii uu booqday magaalada Duluth oo ka tirsan gobolka Minnesota.

Trump oo aalaaba la ciyaara dareenka dadka aan wax kala saari karin ayaa sheekadiisa ayaa dadka u sheegay inuu arkay bayaan ay qoreen Joe Biden iyo Bernie Sanders oo sheegaysa in ay kordhinayaan qaxootiga imana Minnesota 700%.

Wuxuu sheegay inuu labadii sanadood ee ugu dambeeyey baarayey musuqa iyo daacad darrida Ilhaan Cumar oo uu si uu dadka usii qabadsiiyo is ogaal waydiiyey inuu la yaabban yahay ”sababta looga doortay gobolkooda.”

Dadkii goobta joogey ayaa deeto ku qayliyey ”Halla xiro iyada, halla xiro iyada!.”

Trump oo inta badan aan wax qorshe siyaasadeed ah ka hadlin ayaa isku daya inuu doodda ama su’aalaha jahawareeriyo haddii lacalla la waydiiyo amaba wuxuu caayaa qofka ay arrintaasi khuseeyo, waxaana uu istaraatijiyaddaas ku wajahey dooddii 1-aad ee isaga iyo musharraxa Joe Biden oo uu warkii ka dhabjiyey.

Hadalsame Media