Markii ugu horreeysey taariikha oo kelmadda ”Insha Allah” laga maqlay doodda madaxtinnimada Maraykanka balse sida loo maleeynayo loolama jeedin (Fal celin laga sameeyey)

0

(Ohio) 01 Okt 2020 – Intii lagu jirey dooddii 1-aad ee madaxtinnimada Maraykanka, ayuu musharraxa Dimoqraadiga ee Joe Biden oo u jawaabayey Trump oo ay hor taalley su’aal ku saabsan canshuur celinta wuxuu waydiiyey “Goorma? Insha Allaah?”

Yeelkeede, kelmaddan oo ay Muslimiintu adeegsadaan marka ay ka hadlayaan wax aan weli dhicin micne ahaanna ka dhigan ”haddii Alle doono”, ayuu Biden ula jeedey si kale oo ah in aanay waxani dhici doonin, taasoo ay eedeeda leeyihiin Muslimiin badan oo wixii aysan doonayn inay sameeyaan kelmaddan u adeegsada.

Kelmaddan ayaa wuxuu Biden u adeegsadey markii uu Trump ka meermeeray inuu ka jawaabo doodda soo noqnoqota ee canshuur celinta, iyadoo warbixin lagu qoray NY Times ay sheegayso inuu sanadkii dhamaa ee 2016-kii uu bixiyey $750 doollar marka ay timaado canshuurta DF. Halka uusan hal dhururuq bixinin 10 ka mid ah 15 sano oo tegey.

Dadka ay jawaabo badan ka bixiyey sida uu kelmadda Inshaallaah u adeegsadey Joe Biden ee hoos ka akhri…

Hadalsame Media

Facebook Comments