”Waxaan burburiney 10 hannaan difaac cireed & 20 taangi” – Azerbaijan oo madaafiic waawayn & gantaalo raaxada uga qaadday Armenia

0

(Baku) 29 Sebt 2020 – Dagaallo laayaan ah oo u dhexeeya ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa ka dhacay gobolka la haysto ee Nagorno-Karabakh ayaa galay maalintii 3-aad kaasoo ay haatan ciidamada Azerbaijani-gu meelo dhowr ah ka qabsadeen.

Millateriga Azerbaijan ayaa sheegay inay laayeen boqollaal ah askarta Armenia, iyagoo adeegsanaya hub kala duwan sida daroonno, dayuurado, gantaalo iyo madaafiic goobta ee culus oo ay aad uga sheegteen ciidanka Armenia dagaalkii shalaytoole.

Ciidamada Azerbaijan ayaa sheegay in dagaalladii labada maalmood ay iyaga kaga dhinteen 18 qofood oo ay carruuri ku jirto, balse ay waxyeellada Armenia ay boqollaal tahay, sida ay yiraahdeen.

Hoggaamiyaha Armenian-ka ah ee Arayik Harutyunyan oo xukuma Nagorno-Karabakh ayaa horay u qirtay in magaalooyn laga xorreeyey.

Azerbaijan ayaa iyaduna sheegatay inay qabsadeen 7 magaalo, ay baabi’iyeen ilaa 10 hannaan oo ah daafaca cirka iyo ugu yaraan 20 taangi oo ay leeyihiin ciidanka Armenian.

Azerbaijan ayaa sidoo kale horay u qabsatay buur uu saarnaa taliska isgaarsiineed ee isku xira Karabakh iyo caasimada Yerevan ee dalka Armenia.

Hadalsame Media

Facebook Comments