Tillaabo ay qaadday hay’adda Nabad Sugidda oo qas ka riddey Garoonka Aadan Cadde

0

(Muqdisho) 29 Sebt 2020 – Wararka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay hakad galeen howlaha Garoonka Aadan Cadde kaddib khilaaf yaab leh oo dhacay.

Khilaafka ayaa dhexsaday shirkadaha duulimaadyadaha oo la sheegay inay shaqo joojin ku sameeyeen duullimaadyadii tegi jirey gobollada dalka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo arrintaa kasoo horjeesatey.

Muranka ayaa ka dhashay kaddib markii ay Nabad Sugiddu ay shaqo joojin ku sameeyeen dayuurad tegi jirtey magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo, taasoo keentay inay hiillo u muujiyaan sharikaadka kale ee dayuuradaha oo leh Dallad midaysa.

Waxaa mar qura saxmad miiran noqday garoonka oo ay isku soo gaareen rakaab badan oo gobollada u kala duuli lahaa, iyadoo aanay arrintan weli ka hadlin Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee SCAA oo ah midda shaqadan iska leh.

Waxaan sidoo kale la fahmi karin waxa Nabad Sugidda dhex geliyey arrintan iyo doorka shaqo ee ay ku yeelan karto dayuuradaha iyo duullimaadyada oo leh hay’ad iyo Wasaarad ku shaqo leh.

Hadalsame Media