DAAWO: Gabar Soomaali ah oo ku guulaysatey tartan dhanka quruxda ah oo lagu qabtay Maraykanka + Sawirro

0

(Ohio) 29 Sebt 2020 – Sahra Abuukar oo ah gabar reer Somalia ah oo ku dhaqan Maraykanka ayaa ku guuleysatey tartanka sanadlaha ah ee quruxda haweenka Muslimiinta oo lagu qabtay dalkaasi.

Sahra oo ah gabar 23-jir ah oo asal ahaan muddo 7 sanadood ah ku noolayd dalka Turkiga kahor intii aanay u dhaqaaqin dhanka Maraykanka 2014-kii oo ay uga nooshahay Gobolka Maine, ayaa farxad ka muujisay guusha ay gaartey.

“Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow. Waan jeclahay madowga, waa midab dookheyga ah.” ayay ku tookhday Sahra Abuukar oo sheegtay inay ka hesho middabada aan dilnayn.

Dufcadda tartankan oo ah middii 4-aad ayaa waxaa sanadkan 2020 ku tartamay ilaa 15 hablood oo da’ yar oo u dhexeeya 15 ilaa 30-jirro.

Waxay hanatay jaa’isada Miss Muslimah waxayna ku biiraysaa gabdho badan oo iyaga oo asturan u tartama quruxda sida  Halima Aden, Ikram Abdi Omar iyo Mariah Idrissi, iyadoo ay abaalmarintan bilowday gabadha Maghrib Shahid oo ah gabar madow oo Muslim ah oo reer Ohio ah.

Sahra Abuukar ayaa sidoo kale ah gabar hibo ku leh dhanka naqshadaynta iyo tolmada dharka ayaa wax badan ka fahamsan lebbiska iyo midabbada isku soo baxa.

Maghrib Shahid

Hadalsame Media