5 qodob oo muhim ah inay Somalia ka mayrato wixii soo maray oo ka maqan MADAXDA Somalia

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2020 – Dalka Somalia waa dal dayacan oo waloow uu 60 sano jir maanta yahay aan weli lahayn wax siyaasad ah oo fadhiya gude iyo dibedba.

Somalia oo haatan 42 sano ugu yaraan xasarad siyaasadeed muquuqanaysa ayaa muddo 30 sanadood ah ku jirtey dagaal sokeeye oo toos ah, waloow sanadihii dambe ay sidoo kale jirtey dowlad la aqoonsan yahay, balse aan weli mug waynayn.

Dadka siyaasadda iyo bulsho dhisidda yaqaanna ayaa qaba in Somalia ay ka hoogtey dhanka dadka siyaasadeeda ku jira oo u badan dad aan ehel u ahayn isla markaana aan lahayn rabitaankii, kartidii, fulintii, fahamkii, daacadnimadii iyo abaabulkii umadi u baahnayn.

Somalia waxay la’dahay qodobbadan shanta ah:

1 – Dal sida Somalia ay jugi gaartey midnimada iyo kalsoonida umadda ayaa u baahan madax fahmi karta duruufaha ay la xaalayaan oo ku dadaali kara in la wanaajiyo lana xoojiyo niyadda iyo danta umadda si dadka loogu birbiriyo waxyaabaha ka dhexeeya intii la tusi lahaa waxyaabaha ay ku kala qaybsan yihiin.

2 – In la helo aragti gunti isku giijin ah oo dhabiilaysa ama tashiilaysa dhaqaalaha yar ee la heli karo si loogu wado howlaha bulshada, halkii ay wax kastaahi ku bixi lahaayeen baashaalka ninka madaxda ah oo maalkii umadda qaarna qaata qaarna xaflado ku qabsanaya. Maanta miisaaniyadda maamul kasta oo ka jira Somalia 97% waxay ku baxdaa isla maamulka ee shacabka waxba ma gaaraan.

3 – In la sameeyo siyaasad gudeed oo ku dhisan ilaalinta mashaacirta iyo dareenka bulshada, taasoo ilaalinaysa wax kasta oo umadda kala gelin kara shaki iyo gocasho. Sidoo kale in la yareeyo khilaafyada gudaha ee micna darrada ah ee halkii siyaasaddaba khilaaf iyo hebel ku adkee loo garan lahaa qorshe siyaasadeed iyo mabaadii qaran lala yimaado.

4 – In ay jirto siyaasad dibadeed oo dhiirri gelinaysa wax wada qabsiga, iskaashiga, tusidda caalamka in musuqa aan raalli laga ahayn, isla markaana uu ujeedku yahay in dalka iyo dadkaba la dhiso, si loosoo jiito deeqaha iyo maalgashiyada caalamka oo iyagana si wanaagsan oo cadaalad ah loo maamulayo. In sidoo kale meel adag lala istaago siyaasad iyo siyaasi kasta oo dhiirri gelinaya faragelinta arrimaha Somalia.

5 – In la joojiyo hardanka madaxda ka dhexeeya ee ku dhisan is inkiridda, ballan ka baxyada, khiyaanada, aamin darrada, middi middi ku taagta, amar diiddada, nidaamka oo la yaraysto, dowladnimada oo lagu gorgortamo, adeegsiga ama dhiirri gelinta qabyaaladda iyo iska horkeenka ku talagalka ah ee umadda ee ragaadinaya inuu dalku ka mayrto mashaqadii soo martay.

Waa jiri karaan qodobbo kale, balse afartan ayaa ugu mudan uguna muhiimsan, balse nasiib darro weli ma muuqdaan madax mas’uuliyaddaa garanaysa ama ku baraarugsan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media