DAAWO: Al Jazeera oo barnaamij qurux badan ka sameeysay magaalada Muqdisho oo aad u dhismaysa (Meelaha ay ka dhiman tahay?)

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2020 – Hilinka Al Jazeera qaybtiisa af Carabiga ayaa barnaamij qurux badan uga hadashay mashaariic dhismaha ah ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan ayaa diiradda saarayey sharikaadka dhismaha iyo hay’aadka ka shaqaysta hantida ma guurtada ah oo magaalada ka dhisay xaafado iyo guryo casri ah, waloow ay aad qaali u yihiin oo aysan goyn karin dadka danyarta ah.

Yeelkeede, inta badan ma jiraan mashaariic horumarineed oo dadwayne oo ay dowladdu fuliso sida in la dhiso waxyaabo ay dadku markiiba ka faa’iidaysan karaan.

Dhanka kale, waloow ay Muqdisho qayb ahaan dhismayso misna uma nidaamsana qaabka magaalo casri ah oo jidadku inta badan waa yar yar yihiin, sidoo kale magaaladu ma laha shabakad isku xiran oo bullaacadeed, maktabado dadwayne oo ku filan, meelo cagaaran, garoomo ciyaareed, iskuullo, koronto iyo biyo rakhiis ah iwm.

 Halkan ka daawo…

Hadalsame Media