Azerbaijan oo sheegtay inay qabsatay saldhig isgaarsiineed oo buur istaraatiji ah saaran & dagaalka oo maalintii 2-aad galay

0

(Baku) 28 Sebt 2020 – Hoggaamiyaha gobolka la haysto ee Nagorno-Karabakh u jooga Armenia, Arayik Harutyunyan, ayaa qirtay in laga qabsaday degaanno uu ku jiro dhul buureed istaraatiji ah.

Wuxuu kale oo uu xaqiijiyey inay dagaalkii shalay kaga dhinteen ciidamo iyo rayidba, jeer ay ciidamada Azerbaijan ay bilaabeen mowjadda 2-aad ee weerar ay ku hayaan aagga hore ee gobolka Nagorno-Karabakh.

Ugu yaraan 16 askari iyo dad kale oo rayid ah ayaa kaga dhintay dagaalladii shalay oo ahaa kuwii ugu horreeyey ee toos ah tan iyo 2016-kii, taasoo keenaysa cabsi la xiriirta colaad kasoo cusboonaata koonfurta Qoowqaasiya, oo ah marinka tubbooyinka gaaska sida ee aada suuqyada caalamka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia ayaa iyaduna Isniintii xaqiijisay inay ka dhinteen ilaa 32 askari, xilli uu dagaalku galay maalintii 2-aad.

Azerbaijan ayaa dhanka kale sheegatay in dhulka ay qabsatay ay ku jirto buur istaraatiji ah oo ku taalla Karabakh, taasoo saldhig u ahayd isgaarsiinta isku xirta caasimadda Yerevan iyo gobolkan la isku haysto.

Hadalsame Media