Turkiga oo ka mid noqday 6 dal oo samayn kara helakabtarro 100% maxalli ah + Sawirro

0

(Ankara) 26 Sebt 2020 – Helakabtarkii ugu horreeyey ee ay Turkigu sameeyaan ee ah nooca doorarka badan ee T625 Gökbey oo ay samaysay Turkish Aerospace Industries (TAI), ayaa lagu wadaa inay ku shaqayso matoor ay isla Turkigu sameeyeen wixii gaara dhamaadka sanadkan 2020.

Mar uu ka hadlayey Teknofest, oo ah carwada tiknolojiyadeed iyo midda cireed ee Turkiga ugu ballaaran iyo tan 2-aad ee caalamka ugu wayn, wuxuu Guddoomiye Xigeenka TAI Helicopter Md Yıldırım Kemal Yıllıkçı u sheegay Anadolu Agency (AA) in matoorka haatan tijaabadiisa lagu guuleystey kaasoo ay samaynayso shirkadda Engine Industries (TEI) oo ay leedahay isla TAI, iyadoo durba la bilaabayo in dayuuradahan lagu xiro su ay farsamadu u noqoto 100% Turki.

Yıllıkçı ayaa intaa ku daray in ay taasi Turkiga ka dhigayso mid ka mid ah kaliya 6-7 dal oo sameeya helakabtarro 100% maxalli ah farsamo ahaan, isagoo sheegay in ay ka iibinayaan dhowr dal.

TAI ayaa haatan sidoo kale ku howllan mashruuca samaynta 4 nooc oo helakabtarro ah kuwaasoo 2 ka mid ihi ay yihiin 5-ta tan ah ee T129 sirdoonka, mid kuwa weerarka ah (ATAK) iyo midda Ujeedka Guud ee T70, sida uu sheegay Yıllıkçı.

Dayuuradahan ayaa 59 ka tirsan durba la siiyey Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga.

Hadalsame Media