Halka uu ka yimid erayga siyaasad Carabi ahaan & Giriig ahaan + Waxa ay Soomaalidu u fahamtey

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2020 – Erayga “siyasad” ee aynnu Carabida ka soo qaadannay macnihiisii asalka ahaa waa jarabaridda fardaha, tarwiid. Nuxur ahaan Af Soomaaliga wax ay la mid tahay “xoolayn”.

Dhiilaha marka la tolo inta aan la gu dhaqmin horta waa la xooleeyaa, yacni waa la aslaa, la hogeeyaa oo la culaa. Mar dambe Carabtu eraygii wax ay u dalliciyeen maamulka talada bulshada.

Afafka Yurub eraygu wax uu ka yimid “polis” oo ah Giriig macnihiisu yahay magaalo. Waayo kumanyaal sano ka hor dunida waxaa ka jiri jiray dawlado magaalo keliya ah. Iyaguna eraygaas bay u gudbiyeen politika iyo politics.

Haddaba eraygaa aynnu soo amaahannay innaga maamul, magaalo iyo xoolayn midna innoo ma macneeyo ee wax uu inoo macneeyaa qabyaalad, tuugnimo iyo maalin taajirnimo.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media