Dalalka Midowga Yurub oo isku khilaafsan waxa laga yeelayo qaxootiga Giriigga (Dalal ogolaaday inay qaar ka qaataan & magacyadooda)

0

(Brussels) 26 Sebt 2020 – Dalalka Midowga Yurub ayaa muujiyey inay kasoo taagan yihiin aqbalaadda qaxooti cusub, iyadoo ay sidoo kale socon la’dahay in la sameeyo qoondo go’an oo ay dalalka EU ku qabsanayaan culayska qaxootiga, balse madaxda Brussels ayaa sheegay inay xal keenayaan.

Dadka qaxootiga ah ee ku dhibaataysan xeryaha qaxootiga Giriigga sida Lesbos ayaa tiro go’an laga soo qaadayaa iyadoo ay inta kale halkaa sii joogayaan.

Komishanka Midowga Yurub ayaa keenay hindise lagu qaybsanayo qaxootiga, balse sidii dhacay 2015 iyo 2016-kii, dalalku waa isku raaci waayeen soo jeedintaas.

Waxaa dooddan soo celiyey silaca haysta qaxootiga xerada la gubey ee Moria iyo xaaladda insaaniyadda ka baxsan ee Lesbos, iyadoo ay Madaxa Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen, ay sheegtay inay xeer cusub ku bedelayaan midkii Dublin.

Waxaa hindisaha cusub ku jirta in dalalka lagu waajibiyo inay waajib tahay inay aqbalaan qaxootiga iyo magangelyo doonka, balse ma cadda inay dalal badani hindisahaa aqbalayaan.

DALAL WAX UUN AQBALAY – Jarmanka oo sanadihii badnaa ee ay Yurub qaxootiga qaadanaysey nasanayey ayaa ogolaaday inuu qaato 12,000 oo qofood oo ku daryeel la’ gasiiradda Lesbos. Waxay sidoo kale qaadanayaan 150 dhallinyaro ah oo wehel la’aan ah.

Talyaaniga ayaa aqbalay inuu 300 oo qofood kasoo qaado xerada Moria. Netherlands ayaa ku dhawaaqday soo qaadista 100 dhallinyaro ah iyo qoysaskooda.

Dowladda Finland ayaa soo qaadaysa 12 dhallinyaro ah oo qura.

DALALKA DIIDDAN – Sweden oo ka mid ahayd dalalka qaxootiga ugu badan qaabilayey 30-kii sanadood ee tegey ayaa diiddey inay qaxooti cusub qaadato. Poland, Hungary iyo Czech Republic oo ka mid ah dalalkii ologga la ahaa Soofiyeetkii burburay oo ugu qaxooti yar Yurub ayaa iyaguna diidey inay qaxooti kasoo daabulaan Giriigga ama Talyaaniga.

Hadalsame Media