Senatar Maraykan ah oo kashifay sir ay ku qarsadeen Danjireyaasha Sucuudiga & Imaaraadka ee Washington DC

0

(Washington, DC) 25 Sebt 2020 – Danjirayaasha Maraykanka u fadhiya Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa war ay kula sheekaysteen Senatar Ted Cruz oo ay u sheegeen in sababta ay xiriirka ula samaysanayaan Israel ay tahay inay ka farxiyaan oo qanciyaan Washington, waxaa kashifay isla isaga.

Mar uu Cruz ka hadlayey kulan ay lahaayeen Guddiga Koongarayska ugu qaybsan Xiriirka Caalamiga ah, ayuu amaanay Maamulka Trump oo uu sheegay inuu si “cad oo aan leexleexad lahayn” isu garab taagey Israel, taasoo keentay inay Carabtu caadiyeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Israel.

“Waxaan labadii todobaad ee tegey la sheekaystay Danjireyaasha Imaaraadka iyo Sucuudiga,” ayuu yiri Cruz, oo ah nin aad muxaafid u ah oo ka tirsan Jamhuuriga.

“Labaduba waxay dheheen: ‘Sababta heshiiskani waa in aannu saaxiibbo fiican oo dhow lasii ahaanno Maraykanka. Waxaan kaloo ognahay inaad si wayn u qiimaysaan Israel, marka taana waan samaynaynaa si aannu u kasbanno xulufannimada iyo saaxiibtinimada Maraykanka’.” ayay yiraahdeen.

Maraykanka oo ah dalka ilaaliya nidaamyada kali taliska ah ee Khaliijka ee ay qoysyadu leeyihiin ayaa si cad u sheegay in ay ku khasban yihiin inay yeelaan wixii uu isagu doonayo, gaar ahaan tan iyo markii uu Trump yimid.

Hadalsame Media

Facebook Comments