Kenya oo fadeexad dhex fadhida & dalalka deeqda bixiya oo ku dheggan

0

(Nairobi) 25 Sebt 2020 – Fadeexadii ugu xumayd ee Musuq maasuq ayaa Kenya Soowajahday sidii Loomaamulay deeqdii Covid19, oo dhamayd aduun lacageed 2Billion USD laba bilyan oo doolar si wax loogaga qabta cudurka Karoona.

Waxaa dhacday xotooyo weyn iyo wax isdaba marin baahsan oo aan loo aabe yeelin ,Fadeexada ugu xuni waxay kadhacday qaybta wax soo iibinta sida qalabka la isku daboolo ee Personal Protetcive Equipment PPE, waxaa qandaraasyo lasiiyey shirkado Markii cudurku dilacay lasameeyey, Qaar saraakiisha dowladu leeyihiin iyo iyo kuwa kale , qandaraasyada qaarbaa 10 malyan oo doolar lagu bixiyey.

Guddiga Dabagalka Arimaha Musuqmaasuqa iyo ladagaalan wax isdaba marinta Kenya ayaa soobandhigay Fadeexad weyn oo dul hoganaysa saddex hayadood oo dowlada Kenya Leedahay.

1. Kenyan Medical Supplies Authority (KEMSA).

2. Kenyan Public Procurement Regulatory Authority (PPRA).

3. Kenyan Health Ministry.

Shirkadahaha qandaraasyada lasiiyey ee soo iibinta agabka Covid19 waxaa kujira Madax sare oo dowlada Katirsanp, Madaxweynaha Kenya iyo gudiga ladagaalanka Musuq maasuqa ayaa kudhawaqay in lasooxidho dhamaan cidii kulugta lahayd fadeexadan iyo xatooyadan yaabkaleh.

Dhamaan deeq bixiyaashii iyo wadamadii Kenya ugu yaboohay lacagtan labada bilyan ah ee lamusuq maasuqay waxay Kenya kadalbadeen talaabo cad iyo in lacagtan lasheego cidii dhacday sidan foosha xun umaamushay, waxayna ku hanjabeen in ay Kenya kahayn doonaan aysan usiidayn doonin lacag kale oo gaadhaysa 4 Billion oo doolar ilaa meel lagu sheego Lacagtii hore Covid-19 oo ahayd laba Bilyan oo doollar.

Sida uu sheegay agaasimihii guud ee Ururka Caafimaadka aduunka DR Tedros waxaa aad loo musuq maasuqay deeqihii Covid19 ,gaar ahaan wadamada Africa ayuu farta ku fiiqay wuxuu yidhi (Qofka dhacay deeqada Covid19 wuxuu lamid yahay danbiile dagaal iyo qof dad laayey).

Somalia waxaa sidaas oo kale masuq maasuqay deeqihii iyo lacagihii Covid19 waxaana laxidh xidhay saraakiil sare sare oo katirsan wasaarrada Caafimaadka. Meelaha ugu daran waa qaybaha iibka alaabta iyo qandaraasyada sida loobixiyey, sidoo kale Maamulada iyo wasaarradahooda Caafimaadka waxaa la sheegay in ay jirtay boob iyo wax isdaba marin baahsan.

W; D: Jaamac Cali Dirir

Hadalsme Media

Facebook Comments