Trump oo si xun ugu jeesjeesay Somalia & Ilhaan Cumar oo siisay jawaab xanuun badan (Daawo)

0

(Washington, DC) 23 Sebt 2020MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar (D-Minn.) isagoo sheegay inaysan siin karin cashar ku saabsan sida dal loo maamulo, isagoo si jees jees ah u waydiiyey, “Sidee yahay dalkaagu?”

“Waxaanu ku guulaysanaynaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay leeyihiin,” ayuu yiri Trump. “Waxay noo sheegaysaa sidii aanu dalkeenna u maamuli lahayn. Sidee yeeshay dalka aad ka timid? Sidee se yahay xaalkiisu?.” ayuu waydiiyey isagoo sidoo kale weerar ku qaaday Alexandria Ocasio-Cortez (D-N.Y.) oo ka mid ah afarta gabdhood ee lagu naanayso ”The Squad.”

Ilhaan Cumar ayaa iyaduna jawaab cajiib ah siisay Trump iyadoo Twitter-ka kusoo qortay sidan:

”Marka hore, kani waa dalkayga, waxaana ka mid ahay xildhibaannada Aqalkii adiga ku gole joojiyey,” ayay tiri.

”Marka 2-aad, waxaan kasoo cararay dagaal sokeeye anigoo 8-jir ah. 8-jirna dal ma maamulo, waloow aad adigu dalkeenna u maamusho sidii 8-jir.” ayay raacisay.

Hadalsame Media