Lubnaan oo dab iyo qarax u joog noqotay (Kayd hub oo qarxay + Sababta)

0

(Bayruut) 23 Sebt 2020 – Kaydka hub oo uu leeyahay ururka Hezbollah ayaa qarxay kaasoo ku yaalla koonfurta Suudaan, kaddib markii uu dhacay ”khalad farsamo”, sida ay faafisay Al Jazeera.

Qaraxan oo sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qofood isla markaana ay tiro kale ku dhaawacmeen, ayay Xisbullaah beeniyeen inay waxyeello ka dhacday.

Muuqaallo wareegaya ayaa muujinaya daruuro qaac ah oo kasoo butaacaya goobta qaraxa, kuwaasoo muujinaya qarada qaraxa.

Bayruut ayaa qaraxyo iyo dab u joog noqotay tan iyo 4-tii Agoosto oo uu dhacay qarax nukliyeer u qaab eg kaddib markii ay qaraxday kayd dhan 2,750 oo tan oo ah ammonium nitrate oo si khaldan ugu kaydsanayd Dekedda Bayruut oo bas beeshay.

Waxaa ku dhintan qiyaastii 200 oo qofood waxaana ku dhaawacmay kumannaan kale halka ay ku burbureen boqollaal kun oo guri. Waxaa jirey dab kale oo maalin dhowayd ka dhacay isla dekedda.

Hadalsame Media