”Halla cabo!” – Imaaraadka oo si uu u qanciyo dalxiiska Israel meesha ka saaray sharci xakamaynayey aalkolada

0

(Abuu Dabeey) 23 Sebt 2020 – Caasimadda Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi ayaa gebi ahaanba baabi’isay xeer dhigayey in rukhsad loo qaato iibsiga khamriga iyo aalkolada, sida ku cad wareegto rasmi ah.

Abuu Dabeey ayaa sidaa ku raacaysa Dubai oo iyaduna aad u khafiifisay xeerkan, waxaana sidoo kale sharcigani ka hirgalay dhamaanba 7-da Imaaradood ee dalkaasi, waxaana looga gol leeyahay in soo dhowayn looga dhigo dadka reer Israel oo ay dhowaan xiriir rasmi ah la yeesheen.

“Waxaannu kansalaynaa rukhsaddii loo baahnaa ee dhanka aalkolada oo laga dhaafayo dadka degaanka iyo dalxiiska oo hadda yeelan doona xaq ay kaga iibsadaan dukaannada ogolaanshiyaha haysta,” ayaa lagu yiri Wareegto kasoo baxday Waaxda Dhaqanka iyo Dalxiidka, sida ay qortay AFP maanta.

Waxay wareegtadu iibsadayaasha ka doonaysaa inay ugu yaraan 21 jir yihiin, in aalkolada aan dib loo sii gadin iyo in lagu isticmaalo guryaha iyo meelaha loo ogol yahay sida kalaabyada oo qura.

Wareegtadan ayaan si gaar ah u cayimin in Muslimiinta ay weli mamnuuc ka tahay inay aalkolada iibsadaan, waloow diin ahaan aan loo ogolayn iyo sidoo kale sharciyadii hore, waloow Abuu Dabeey aan inta badan dadka rukhsad laga waydiinin iibsiga aalkolada xitaa haddii uu sharcigu sidaa dhigayo.

Muslimiinta ayaan weli loo ogolaan doonin inay waydiistaan rukhsadda iibsiga aalkolada marka ay joogaan Dubai, iyadoo ay caadiyan dhanka kale dadka fasax u tahay inay aalkolada ku isticmaalaan 6 ka mid ah 7-da Imaaradood, iyadoo kaliya ka mamnuuc ah Shaariqah oo ah Imaarad muxaafid ah.

Hadalsame Media