Baarlamanka oo u codaynaya RW magacaaban & Xildhibaan sheegay war shaki dhaliyey (Madaxda sare oo madasha gaartey)

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2020 – Waxaa haatan Baarlamanka soo gaari doona Guddoonka Baarlamanka Maxamed Mursal oo uu wehlinayo RW magacaaban, Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa sidoo kale gaarey MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna lagu wado inuu khudbad ka jeediyo Baarlamanka Dhexe si uu xildhibaannada ugu dhiirriyo inay kalsoonida siiyaan RW.

RW magacaaban ayaa haddii uu codka kalsoonida helo laga doonayaa inuu markiiba deg deg kusoo dhiso xukuumad cusub oo la wareegta howlaha hor yaalla dalka.

Dhanka kale, Xil. Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo la hadlay Shabelle TV ayaa sheegay war ay dadka qaarkood shaki ka muujiyeen, kaasoo ku saabsan in haddii uu Madaxweynaha isku dayo inuu kala hadlo heshiiska doorashada ay foowdo ku qaabili doonaan.

“Haddii Madaxweynaha isku dayo inuu nagala hadlo arrinta doorashada awal Firimbi ayaa la yeerin jiraye Durbaano iyo wax ka daran baaralamaanka lala soo geli doono oo aan ku yeerin doonaa.” ayuu yiri Ciyaar Jecel.

Warkan ayaa laga bixiyey fasiraado kala geddisan, iyadoo ay dadka qaar sheegeen inuu muujinayo in Xildhibaannada qaarkood aysan ogolayn heshiiskii DF & Maamullada, kaasoo la boorrinayey in la meel mariyo si ugu yaraan horay loogu socdo.

Waxaa kale oo xusid mudan in heshiiska uu ku jiro qodob dhigaya in Baarlamanka looga baahan yahay inuu heshiiskaa ansixiyo.

Hadalsame Media